Warbixinta ilaalinta macluumaadka

Wargelintan ilaalinta macluumaadka waxaa ku jira macluumaadyada waafaqsan qodbada 13 iyo 14 ee qaanuunka ilaalinta macluumaadka ee Midowga Yurub (EU) 679/2016 oo loogu talaggalay qofka la diiwaangelinayo (qofka caadiga ah). Marka macluumaadka shakhsiga ah laga qorayo ayaa warbixintan la siinayaa qofka la diiwaangelinayo.

Xafiiska Xukuumadda, PL 23, 00023 Valtioneuvosto
kirjaamo.vnk@gov.fi
tel. 0295 160 334

Wasaaradaha ayaa diiwaanka si wadajir ah u haya, marka ay macluumaadka shakhsiga uga baaraandegayaan nidaamka macluumaadka ee xukuumadda.

Xafiiska Xukuumadda, waaxda dhaqaalaha
mas’uulka ilaalinta macluumaadka Heidi Alajoki
tietosuojavastaava.vnk@gov.fi

Xukuumadda ayaa warbixin ka soo saartay horumarinta sinnaanta, isku qiimo ahaanshaha iyo takoorid la’aanta bulshada Finnishka ah (31.8.2023). Isagoo kamid ah waxqabadka islamarkaana uu xafiiska Xukuumaddu hoggaaminayo ayaa waxaa la billaabayaa olole ka dhan ah cunsuriyadda. Waxaa hawlwadeenno kala duwan loogu yeerayaa in ay ka qaybgalaan ololaha, kuwaas oo ballanqaadyo ka bixinaya waxqabadyada la taaban karo oo si waafaqsan ay ku horumarinayaan marka ay waxqabanayaan sinnaanta ugana hortagayaan cunsuriyadda. Si loo hirgeliyo ololaha, waxaa farriimo loo dirayaa kooxaha xiriirka danwadaagnimada ee kala duwan.

Sababo qiil leh oo kaliya ayaa lagula kaydinayaa macluumaadyada. Inta badan, waxaa macluumaadka loogu baahanyahay hirgelinta adeegyada iyo la xiriirista. Isticmaalka adeeggu waa mid ikhtoyaari ah, macluumaadyada shakhsiga ah ee la bixiyayna loogama baaraandegayo ujeeddo kale oo loo isticmaalayo oo aan ahayn tan la soojeediyay.

Macluumaadyada waxaa ka baaraandegaya dadka gacanta ku haya waxyaabaha adeegga ku jira ee wasaaradaha jooga iyo qolooyinka wadashaqeynta lala leeyahay iyo qandaraasle hooseedyadooda, kuwaas oo ay wasaaraddu kula heshiisay ka baaraandegista macluumaadka shakhsiga ah ee waafaqsan shuruudaha qaanuunka ilaalinta macluumaadka.

  • Xeer-tilmaameedka Xukuumadda (262/2003)  
  • Qaanuunka Xukuumadda ee xafiiska xukuumadda (393/2007)

Waafaqsanaanta sharciga ee ka baaraandegista macluumaadka shakhsigu waxay u hirgeleysaa si waafaqsan qodobka 6 bartiisa 1 qodob-hoosaadkiisa c ee qaanuunka guud ee ilaalinta macluumaadka (u hoggaansamidda waajibaayda sharcigu dejiyay).

Kooxaha la diiwaangeliyay

  • Shaqaalaha wasaaradaha
  • Dadka ka tirsan kooxaha xiriirka danwadaagnimada ee ololaha kahortagga cunsuriyadda
  • Dadka lagu casuumayo kana qaybgelaya munaasabadaha iyo dhacdooyinka ololaha kahortagga cunsuriyadda
  • Dalbadayaasha warsidaha ololaha kahortagga cunsuriyadda
  • Ka qaybgalayaasha ololaha isgaarsiinta ama tartannada ee ololaha kahortagga cunsuriyadda

Kooxaha macluumaadyada shakhsiyadeed:

  • Macluumaadyada xiriirka (macluumaadyada ururka, magaca, cinwaanka, lambarka telefoonka, emailka)
  • Raashinka khaaska ah ( wuxuu la xiriiraa cunto bixinta munaasabadaha iyo dhacdooyinka)

Macluumaadyada laga helay ilaha furan.

  • Motiva Oy
  • Webropol Oy oo doorkiisu yahay adeeg bixiyaha seeska farsamada 
  • Lyyti oo doorkiisu yahay adeeg bixiyaha seeska farsamada (iska diiwaangelinta dhacdooyinka) 
  • Microsoft Corporation oo doorkiisu yahay adeeg bixiyaha seeska farsamada (dalabyada warsidaha)

Macluumaadyada shakhsiga lagu wareejin karo meel ka baxsan Midowga Yurub ama ETA ama ururu caalami ah.

Macluumaadyada shakhsiga waxaa la kaydinyaa xilliga waxqabadka ololaha kahortagga Cunsuriyadda (2024–2027).

Qofka la diiwaangeliyay wuxuu xaq u leeyahay in uu diiwaan hayaha ka helo macluumaad ah, in macluumaadkiisa shakhsiyadeed laga baaraandegayo.

Waxaa kale oo uu qofka la diiwaangeliyay xaq u leeyahay in uu codsado:

  • macluumaadyada shakhsiyeed ee isaga quseeya
  • in diiwaang hayuhu saxo ama meesha ka saaro macluumaadyada khaladka ah ama duugoobay
  • xadaynta ka baaraandegista macluumaadkiisa shakhsiyeed

Xuquuqda isticmaalaha iyo hubinta macluumaadka shakhsiga

Tietosuojalainsäädännön noudattamista Suomessa valvoo tietosuojavaltuutettu. U hoggaansanaanta Sharciga ilaalinta ilaalinta macluumaadka ee Finland waxaa ilaaliya wakiilka ilaalinta macluumaadka.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqda ilaalinta macluumaadka

Macluumaadyada shakhsiga ah looma isticmaalayo go’aaminta otomaatigga ah iyo faaqidaadda qofka, kuwaas oo saamayn ku yeelan kara dadka la diiwaangeliyay marka loo eego xuquuqdooda ama xorriyadooda.

Xafiiska xukuumaddu wuxuu diiwaan haye ahaan u hirgeliyay farsamooyinka loo baahanyahay iyo waxqabadyada abaabulka ah wuxuuna sidoo kale kuwaas ka doonayaa ka baaraandegayaasha macluumaadka shakhsiga.