Cunsuriyaddu waa dhibaato heer nidaam ah, taas oo lagu burburinayo ama lagu xoojinayo falal kala waaweyn iyo waxqabad la’aan; tusaale ahaan faragelinta isticmaalka luqadeed ama faragelin la’aan, shaqo u qorisyo, metelaad iyo habab waxqabad oo kala duwan.

Bayaanno xafladeed ma tirtirayaan dhibaatada ee waa in qaab-dhismeedyada cunsuriyadeed si firfircooni leh loo burburiyaa iyadoo ficillo loo isticmaalayo.

Hadafka ololuhu waa bixinta qalab sax ah oo lagu wajahayo islamarkaana bulshada looga dhex saarayo cunsuriyadda.

Ololuhu wuxuu hawlwadeennada ka qaybqaadanaya siinayaa waxqabadyo la taaban karo oo isbeddelka lagu gaarayo.

Halwadeennada ka qaybgelaya ololuhu waxay samaynayaan ballanqaad waxayna xulanayaan waxqabadyada ku habboon ururkooda, kuwaas oo ku jira adeegga shabakadda ee Ballanqaadka 2050 ee Horumarka waara (Sitoumus2050).

Xukuumaddu waxay dadka oo dhan ku casuumaysaa ka qaybqaadashada ololaha lagu dhisayo Finland loo simmanyahay. Hirgelinta ololuhu waa qayb ka mid ah mashruuca hirgelinta warbixinta Sinnaanta.

Ka akhri faahfaahinta dheeraadka ah ee mashruuca bogagga shabakadda xukuumadda.

Waxyaabaha ololaha ku jira iyo hirgelintiisa waxaa mas’uul ka ah xafiiska xukuumadda. Waxaad waaxda qaabilsan ololaha kula xiriiri kartaa emailka stro.vnk@gov.fi.

Waxaa ololaha iskudubaridaysa shirkadda Motiva Oy ee horumarka waarka ee xukuumadda. Waxaad kooxda Motiva kula xiriiraysaa emailka kampanjat@motiva.fi.

Waxaa inta lagu jiro ololaha waxaa warbaahinta baraha bulshada lagu isticmaalayaa summadda ah #toimirasismiavastaan. Haddii aad rabto, waxaad daabacaadyada ku xusi kartaa ama ku calaamadayn kartaa xafiiska xukuumadda iyo shirkadda Motiva Oy.

10

Yaraynta sinnaan la’aanta

16

Nabad, cadaalad iyo maamul wanaag

17

Wadashaqeyn iyo iskaashi